Siyaasadda Celinta Alaabta

Siyaasadda Celinta Alaabta

Astaanteennu waa qancinta macaamiisha, sidaas darteed haddii aadan ku qancin alaabta aad dalbatay 100% , waxa aad ku soo celin kartaa muddo 3 maalin gudahood ah.

Alaabta aad soo celineysid waa in ay ahaataa sidii laguugu keenay, waa in aadan lumin baakaddii ay ku jirtay iyo wax walba oo la socday.

Maxaa lagaaga baahanyahay si aad alaab usoo celiso?

  1. Warqaddii la socotay alaabtii laguu keenay
  2. Tixraac ku saabsan dalabkaagii sida (Order Number, Invoice Number, IWM)
  3. Sababta aad alaabta usoo celineyso in ay tahay mid la aqbali karo.
  4. Qaabkii aad lacagta ku bixisay sida (Number-kii aad lacagta ka dirtay, numberkii aad lacagta u dirtay ama Bank Account aad lacagta ku shubtay)
  5. Iyo wax walba oo caddeyn kuu noqon kara

Alaabta la soo celin karo!

Alaabta aad soo celin karto waxa ay yeelan kartaa mid ka mid ah xaaladaha soo socda:

  1. Alaab waxyeelo soo gaartay sida (Jaban, Jeexan ama aan shaqeyneyn)
  2. Alaabta laguu keenay oo aan aheyn midii aad dalbatay.
  3. Tayada alaabta oo aan aheyn sidii aad Website-ka ku aragtay.

Qaabka aad noola soo xariiri kartid!

Haddii ay dhacdo in aad alaab iska soo celiso aadna buuxiso shuruudaha habka soo celinta alaabta, waxa aad noola soo xariiri kartaa saddex qaab midka aad u aragto in uu kugu haboon yahay, waxa ayna kala yihiin:-

  1. Waxa aad Email ku soo dirtaa contact@aleelo.com, adiga oo soo raacinaya macluumaadkii la socday warqadda alaabta laguu keenay sida (Order Number, Invoice Number, IWM). Sidoo kale waxa aad fariintaada ku cadeyneysaa sababta aad u soo celineyso alaabta. 24 saac oo maalmaha shaqada ah waxaa kula soo xariiri doona xafiiska iibka ee shirkadda Aleelo.
  2. Waxa aad ka soo wici kartaa qeybta adeegga macaamiisha lambarka +252 1 854040 ama 00 252 613 804040. Waxaa ku caawi doona xafiiska qancinta macaamiisha sidia ugu dhaqsiyaha badan.
  3. Waxa aad toos u imaan kartaa xarunta shirkadda oo ku taala agagaarka Beder Hotel ama Ex Amira Hotel, KM5, Hodan Muqdisho.

Sida ku cad nidaamka sir dhowrka & xeerarka adeegsiga , waxaan isticmaalnaa warbixin kaydiyayaasha (Cookies), taasoo u qaabeyneysa bogaga sida ugu habboon danayntaada. Dismiss

Aleelo

FREE
VIEW